Shirkii hogaamiyayaasha dalalka Khaliijka iyo Jaamacada Carabta ay ku lahaayeen magaaladda Barakaysan ee Maka Almukarama, kaasi looga tashanayay xiisada gobalka gaar ahaan dalka Iran ayaa war-murtiyeed laga Soo saaray.
Qodobada war-murtiyeedka lagu soo saaray waxaa ka mid ah in hoggaamiyaashu ay beesha caalamka ka codsadeen in laga hortego in Iiraan samaysato hubka Nukliyeerka.
Waxaa la cambaareeyay gantaalaha Iiraan samayso ee Xuutiyiyiinta Yemen sida joogtada ugu soo ganaan Sucuudiga iyo Saamaynta Faragalinta Iiraan ay ku yeelatay dhibaatada Siiriya iyo midnimada dhuleed ee Siiriya
War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu cambaareeyay faragalinta Iiraan ku hayso arrimaha gudaha ee wadanka Baxrayn iyo taageerada ay siiso kooxaha ka soo horjeeda dowaldda
Waxaa kaloo Murtiyeedku lagaga hadlay oo la cambaareeyay Haysashada Iiraan ee saddex Jasiiradood oo ay leedahay Imaraadka Carabta, kuwasoo Iiraan xoog kula wareegtay 20 sanno ka hor.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibada ee iiraan cayaa ku gacan sayray Eedaymaha loo soo jeediyay dowladda Iiraan , isagoo ku tilmaamay shirka Maka,mid Sucuudigu ku doonayo inuu ku leexiyo rayul Caamka Caalamka.
Shirkan oo uu ku baaqay boqorka Sucuud Boqor Salamaan ayaa Waxaa ka soo qaybgalay inta badan madaxda Carabta iyo Khaliijka. Sidoo kale galabta waxaa bilaabanaya shirka Ururka Islaamka oo ka qaybgalayaan madax badan oo ka kala timid Caalamka Islaamka.












