
Sida ay daabacday wakaaladda Wararka Federaalka ee SONNA, Gobalka Gedo ee Jubbaland waxaa dagaal culus uu ku dhexmaray dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo Horjooge la sheegay inuu ka goostay Al-Shabaab kuwaas oo dadka shacabka ah dhibaato ku haya.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Buusaar iyo dagmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo haalkaas oo muddo saacado ah ku dagaalamayeen
Sarkaalkan baxsadka ahaa ayaa ku soo wajahnaa dhinaca dagmada Ceelwaaq oo uu doonayey inuu iska soo dhiib Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee halkaas ku sugan si uu uga nabad galo dilka ay doonayeen in ururka Al Shabaab u geysto
Inta la ogyahay 2 dagaalame ayaa ku geeriyootay dagaalka dhexmaray, kuwaasi oo la socday Sarkaalka baxsadka ka ahaa Al-Shabaab oo uu kamid ahaa.











