Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin iyo dhibaatooyinka cunsuriyadeed ee ka dhanka ah Muslimiinta.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay shirkani maaddaama Ururka Iskaashiga Islaamka ay muddadii u dambaysay tallaabooyin wanaagsan u soo qaadeen dhanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.












