Dawladda Dalka Netherland oo Aqoonsatey Passaporka Shaqaalaha iyo Kan Deblumasiga.

0
508

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan kan Shaqaalaha iyo kan diblomaasiyiinta.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray.

Dalal dhowr ah ayaa horay u aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliya, waxaana dhowaan dowladaha Belgium iyo Luxemburg ay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliga, gaar ahaan Diblomaasiga iyo Service.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha  dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka  diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka.