Dhawaqa qarax ayaa laga maqlay goor dhow xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Warar laga helay dad ku dhowaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inuu qarxay gaari la dhigay goob la dhigto gaadiidka oo ku taalla aargada Liido ee dagmada Cabdicasiis.
Lama xaqiijin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxa,mana jirto warbixin ka soo baxday hay’adaha ammaanka oo looga hadlay qaraxa ka dhacay xeebta loo-dabaashadka tago ee Liido.
Hay’adaha amniga ee Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe dadaal ku bixiyay xasillinta caasimadda,iyadoo dhammaan isgoysyada la dhigay ciidammo dheeraad ah oo ka tirsan booliska.
Wixii Warar Kasoo Kordha waan Idinla Wadaageynaa Haddii Alle Idmo ee La Soco Wararkeena Soo Socda Allaha Idin Badbaadiyo Dhamaantiin Muslimiinta Meel Walba oo ay Joogaan.












