Jubbaland Oo Dhaliishay Warkii Ka Soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

0
538

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Jubbaland ayaa sheegtey in warqadii xalay ka sooo baxdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka aysan khuseynin Jubbaland ay doorashadeeda u madax banaan tahay.

War saxaafadeed kasooo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Jubbaland ayaa lagu sheegey in Jubbaland xeerarka iyo habraacyada doorashadeeda uu iyada xil ka saaran yahay dowladuna wax tallaabo ku yeelan karin

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu qeexay in gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ay masuul ka yihiin kuna filan yihiin fulinta habraacyada doorashooyinka ee u yaala Jubbaland waajibna ka saaran yahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo Jubbaland ka dhacda.