Eng.Yariisow Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Guddoomiye Kuxigeenka Hawlaha Guud

0
501

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa shaqada uga joojiyay Guddoomiye kuxigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.

Warqada ayaa waxaa la ogeysiiyay Xoghayaha Gobolka Banaadir, Guddoomiye kuxigeenada Gobolka Banaadir, Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo Madaxweynaha Somaliya.

Duqa Muqdisho ayaa Aadan Fiidow ku eedeeyay amar diido iyo cuuryaamin uu ka wado qeybta Hawlaha Guud iyo Nadaafadda Gobolka Banaadir.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay Guddoomiye kuxigeenka Hawlaha Guud inuu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Qorsheynta iyo Engineeriyada, isaga oo aan cidna kala tashan, taasi oo uusan awood u laheyn.