Kooxda Al-Shabaab Oo Weeraro  Ballaaran Ku Qaaday Deegaanka Qooqaani

0
496

Mintidiinta Al Shabaab ayaa sheegtay in weerar saf ballaaran ah ay ku qaadeen Deegaanka Qooqaani oo hoostaga Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Shabaab waxay sheegteen inay Dagaal ku galeen fariisin Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Deegaanka Qooqaani.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugta madaafiicda iyo rasaas xoogan oo ay isku adeegsadeen labada dhinac.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkan, bacdamaa ay adag tahay in la helo xogta ku daabsan Dagaalkan.

Saraakiisha Ciidanja Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen Shabaabka soo weeraray Deegaanka, islamarkaana aanu jirin khasaare dhankooda soo gaaray.

Waa markii labaad oo Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadaan Deegaanka, tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.