Maxaabiistan la cafiyey ayaa laga soo xullay dhamaan xabsiyadda Somaliland, kuwaas oo xukunkooda loo eegay inay yihiin kuwo fudud.
Wareegtadan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.
Waxaan Go’aansaday;
1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus.
2) Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.
3) Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.”
Dhinaca kale, magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa si weyn loogu diyaar garoobayaa dabaaldega munaasibadda 18 May oo ah maalinta lagu dhowaaqay inay Somaliland kala soo noqotay Soomaaliya midowgii ay la gashay 1960-kii.












