Madaxweynaha Jubaland ayaa Qiray In Shirkii Garoowe Fashil Kusoo Dhamaadey Isagoo Eedda Saarey Dawladda Federalka Madaxdeeda oo uu Yiri Uma Diraarsaneyn In Ay Dawo iyo Heshiis Shirka Ka Dhasho ee Waxey Ahaayeen Niman Beesha Caalmka Raba In ay Ku Qanciyaan Shir ayaan Yeelaney Mana Ogola in Talada Dalka Wax Leyska Waydiiyo ee Waa Niman Raba Waqti Kororsi.
Axmed Madoobe oo Ka Welwelsan Mustaqbalka Dalka ayaa ugu Baaqey Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Axzaabta,Siyaasiyiinta Culimada iyo Odayaasha In aysan Jirin Cid Umaqan ee ay Tashadaan,Meelna uga soo Wada Jeestaan Badbaadinta Dalka iyo Masiirka Umadda,Sheegayna in aan Muqdisho Laga Sugin Wax aan aheyn Fitno,Fasahaad iyo In Dadka Leysku Diro.
Hadalkan Dhiilada Xambaarsan ayaa Imaanaya iyadoo Shir Uga Socdey Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Dawladda Dhexe Kaas oo Isfahamwaa Kusoo Idlaadey,Taas oo Niyad Jab Ku Keeneysa Geedi Socodka Doorashooyinka iyo La Galo Doorasho Qof iyo Cod ah Sanadka 2020/2021ka.











