Wafdigan heerka sare waxaa soo dhaweeyey oo shir dheer la yeeshay Dr Ali Nur H. Duale Oo ah Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha , Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud & Guryeynta Hareed, La Taliye Sare ee RW ahna Afhayeenka Dowladda Eng. Yarisow, Kaaliyaha RW Abdifatah, iyo Agaasimaha Yurub iyo US ee W. Arrimaha Dibedda Abdi Dahir.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen horumarka baaxada leh ee laga sameeyey amniga, xiriirka Dowladda iyo maamulada, dastuurka iyo soo afjaridda xilliga Kala guurka ah.
Arrimaha aadka looga hadlay loogana jawaabay su’aalihii ay qabeen wafdiga ayaa ahaa Roadmap ka, dastuurka oo meel fiican maraya, soo xulidda Madax Dhaqameedka, Ergada Ansixinta Dastuurka, iyo baarlamaanka cusub, qorshaha xasilinta deegaanada cusub ee laga xorreeyo Al-Shabaab, iyo arrimaha burcad-badeedda.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)