Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay la taliye sare Dhinaca Siyaasada Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, badda cas iyo badweynta Hindiya Mudane Cabdikariin Maxamed Daahiye oo soo gaaray xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Jowhar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan.
Madaxweynaha iyo la taliyaha ayaa ka wada hadlay siyaasadda Guud ee dalka iyo xoojinta xasiloonida Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ka hadlay xaalada abaaraha ka jira deegaannada Hirshabelle iyo sidii loo caawin lahaa dadka saameynta ay ku yeelato abaarta iyo biyo la aanta ka jirta, waxaana dhinaca kale uu dul istaagay muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la gala shaqeeyo arrimaha amniga islamarkaana la xoojiyo doorka Ciidamada AMISOM ee xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka argagaxisada.
La Taliye Sare Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Cabdikariin Maxamed Daahiye ayaa sheegay in IGAD mar walbo ay diyaar u tahay in Hirshabelle ay kala shaqeeyso Horumarinta, iyo dhisida hey’adaha Dowladda, iyo sidoo kale arrimaha bini’aadanimada sidii looga gacan siin lahaa, kulanka madaxweynaha iyo IGAD ayaa ku soo dhamaaday is afgarad.












