Ciidamada Amniga oo Hawlgal Dad Lagu Soo Qab Qabtey Xaley Ka Fuliyey Magaalada Muqdisho.

0
63

Ciidamada dowladda Soomaliya ayaa xalay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir iyaga oo howlgalkaa ku soo qab qabtay tiro dad ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay guri guri u baarayeen dhamaan xaafadaha ay howlgalada ka sameeyeen, waxana inta ay wadeen baritanadooda lasheegay in ay ku soo qabteen dhalinyaro badan oo ka mid ahaa dadkii daganaa xaafadahaasi.

Dadkii la soo qabtay ayeey askartu iskugu keeneen meel fagare ah iyagoo sii daayay qaar ka mid ah halka kuwa kalana ay kaxaysteen ciidamada.

Howlgalkan oo maalmihii ugu danbeeyayba ka soconayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayeey saraaakiisha ciidamada dowladdu ku sheegeen kuwo Amniga magaalada lagu sugayo.’