Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu halkaa ka dhacay qarax miino oo sababay khasaare dhimasho.
Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga degmada Maxaas Cabdirashiid Cismaan Carab ayaa lagu waramayaa in uu qaraxa ku geeriyooday
Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan hasse ahaatee ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa wada baaritaanno la xiriira cida ka danbeysay qaraxan miino.
Maahan Markii Ugu Horeysey ee Qaraxyada Nuucan oo Kale ahi Ka Dhacaan Deegaanada ay Dawladda Federalku Maamusho,waxaana Badaanaba Sheegta ama Loo Maleynayaa In ay Ka Danbeeyaan Dagaalyahanada Al-shabaab oo Beegsada Saraakiisha Dawladda iyo Ciidamada Huwanta Isbiirsadey ee Sheega In ay Dalka Soomaaliya Ka Hawlgalaan.












