Xilli mushaar la’aan ay ka sheeganayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya sameeyeenna gadood cabasho ah ayaa Al-shabaab Waxa Ay Soo Bandhigeen ciidamo isasoo Dhiibay Kuwaasoo Ay Ku Sheegeen In Ay Kasoo Baxsadeen Dhanka Dowlada.
Sidoo Kale Wararka Waxa Ay Sheegeen In deegaanno katirsan Gobolka Gedo ay askar farabadan saacadihii lasoo dhaafay iyagoo baxsad ah isku dhiibeen maamullada hoos taga Xarakada Al Shabaab.
Sarkaal Ku Hadlay Afka Al-shabaab Ayaa Warbaahintooda U Xaqiijiyay In 16 Askari ay shalay iska dhiibeen deegaanno hoos yimaad magaalooyinka Garbahaarey,Baardheere iyo Ceelwaaq, askartan isku dhiibtay Al Shabaab ayaa sheegay in ay ka Bexeen la shaqeynta ciidamda Xabashida Itoobiya iyo dowladda Federaalka.
Dhinaca kale 4 askari oo katirsanaa Ciidanka dowladda ee ciidamada Itoobiya ku wehlin jiray duullaanka gobolka Hiiraan ayaa iska dhiibay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.
Afarta Askari oo ka goostay degmada Maxaas ayaa lagusoo bandhigay Maxkamadda degmada Ceelbuur, isku geyn ciidamada ka goostay dowladda Farmaajo ee shalay lagusoo bandhigay Gobaha Ay Ka Taliyaan Al-shabaab ayaa gaaraya illaa 20 askari oo hubkoodu udhanyahay.





