Booliiska Soomaaliya Oo Sheegay In Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Miinooyin Nooca Taangiga Ah.

0
590

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyinkan ay ka soo saaraan Hareeraha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Waxa ay sheegtay in Miinooyinkan la doonayay in lagu dhibaateeyo shacab aan waxba galabsan balse ciidamada Booliiska ay ka hortageen.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Amaanka ay gacanta ku hayaan 16 Ruux oo lagu tuhmayo Argagixisada Alshabaab inay ka tirsan yihiin iyo dhagar qabe kale oo isaggoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa tilmaamtay in Ciidanka Ammaanka ay ku raad joogaan Xubo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo ku dhex dhuumanaya Bulshadda Dhexdeeda.