M/weynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya Cagjar oo Booqasho Ku Tagey Shinniile iyo Isbitaal uu Dhagaxdhigay.

0
617

Madaxweynaha Dawladda Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa maanta mar uu booqasho ku tagay gobolka Sitti waxaa uu dhagax-dhigey Hospital ay yeelanayso degmada Shinniile ee gobolka Sitti.

Booqashada madaxwaynaha ayaa waxaa ku wehelinayay Ugaas Mustafe iyo waliba masuuliyiinta Gobolka iyo kuwa degmada Shinniile, waxaana isugu yimid Xafladda dhagaxdhiggan shacab badan oo ka kala yimid Diridhabe iyo degmada Shinniile.

Degmada Shinniile ayaa waxaa ku yaraa xarumaha caafimaad, wuxuuna Hospitalkan noqonayaa markuu mashruuciisu dhammaado mid dad badani ka faa’iidaystaan.

Madaxwayne Mustafe ayaa intuu xilka qabtay wuxuu dhagax dhigay mashaariic badan, balse intooda badan wali lama fulin.