Madaxxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Maanta Ka Hadley Dadka Dibad Baxyada Ka wada Magaalada Muqdisho Kuwaas oo uu Ku Sheegay In ay Qabyaalad iyo Wax Laga Gudbey Wadaan Loona Ogolaan Doonin In Hantida Shacabka La Burburiyo Amnigana La Khal Khal Geliyo.
Madaxweynaha oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa Sheegay In La Doortey Si Sharci ah Soomaaliyana ay Dhaqaaqdey Wax Hor Istaagi Karana Aysan Jirin Sida uu Hadalka U Yiri Iyadoo ay Caro Aad u Sareysa Wajigiisa Ka Muuqato,Lamana Oga Waxa hadalkan Kusoo Beegay Xiligan oo Kacsanaan iyo Amni Darro ay Ka Jirto Guud ahaan Dalka Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
M/weynaha Ayaa Ugu Danbeyntii Tacsi U Direy Qosaskii iyo Qaraabadii ay Ka Geeryoodeen Labo Dhalinyaro Midkood ahaa Wadayaasha Mooto Bajaajka oo uu Toogasho Ku Dilay Mid Kamid ah Askarta Dawladda Isagoo Sheegay In Askarta uu Ku Jiri Karo Mid Xun oo Dilaya Dadkii uu Difaaci Lahaa Laakiin aan Marna La Ogolaan Doonin In Qofku Caddaaladda Gacantiisa Ku Gaaro.












