Xarakada Al-shabaab Oo Xalay Duqeyn U Geestay Garoonka Iyo Madaxtooyada Baydhabo

0
488
Wararka Soomaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) 

 

Xarakada Al-shabaab ayaa xalay duqeeyey qaar kamid ah fariisimaha ay ciidamada Dow;ada TFG-da iyo kuwa Itoobiya kaga sugan yihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Goobaha xalay la duqeeyey oo ay hoobiyeyaal dhowr ahi kusoo dheceen ayaa waxaa kamid ah xarunta madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ay duqeyntaasi geysatey, mana jiro wax war ah oo ku aadan oo kasoo baxay dhinaca dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa isla xalay Bam gacmeed lagu tuuray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa meel u dhow xarunta Bankiga ee degmada Baydhabo.

Qaraxii ka dhashay Bamkaas ayaa sababay dhaawaca 2-askari, waxaana durbadiiba ay ciidamadu goobta ka sameeyeen baaritaan iyagoo dad dhowr iyo toban gaara qabtay.

Dadka la qabtay oo ay qaar kamid ahi kasoo baxeen masjid goobta uu qaraxu ka dhacay ku dhowaa ayaa lag geeyey saldhigga dhexe halkaas oo lagu baarayo.

Duqeynta xalay loo geystey garoonka diyaaradaha iyo xarunta madaxtooyada ee Baydhabo ayaa noqonaysa tii ugu horeysey tan iyo intii ay magaalada Baydhabo ka baxday gacanta ururka Al-shabaab.

 

Wararka Soomaaliya (Wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)