Dagaal Xoogan Oo U Dhexeeyey Dowladaha Iskaashanaya Ee Kenya Iyo Soomaaliya Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Ka Dhacay G/Gedo.

0
488

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Shabakada Soomaaliyeed Ee Warsom Wararka Ay Ka HElayso Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan inuu dagaal xoogan ku dhexmaray deegaanka Muudaale ee  ku dhaw magaalada Baardheere, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Dowlada Soomaaliya, Ciidanka Kenya oo isku dhinac iyo Al-Shabaab oo dhinaca kale ah.

Weerarkaani  ayaan bilowday kadib markii ay weerar ku soo qaadeen ciidanka Kenya saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Muudaale oo u dhexeya Baardheere iyo Faafaxdhuun Xarakada  Al-Shabaab, Waxaana halkaasi ka bilowday dagaal aan waxba la iskula harin Farahana Looga Gubtay.

Dadka Meesha Ku Dhintay ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhawdahay 10 ka tirsan dhinacyada dagaalameysa, balse dhaawaca ayaan tiradiisa la xaqiijin karin sababa la xiriira dagaalka oo ka dhacay meel aan magaalo weyn aheyn.

Labada Dhinac Ee dagaalamaya ayaa ilaa Iyo Haatan ka hadlay dagaalkaasi,waxaana muuqata inuu dagaalkan oo socday hal saac uu joogsaday laakiin la isku horfadhiyo meelihii uu dagaalka saaka ka qarxay.

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)