Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ayaana ku wajahan qaar kamid ah degmooyinka ay Xarakada Al-shabaab ka arimiyaan ee gobolka Baay.
Degmada Ufurow oo Baydhabo 120km dhinaca Koonfurta kaga beegan ayaana ka mid ah degmooyinka ay xiisadda aadka u darani ka taagan tahay isalamarkaana ay dadka degen ay ka baqanayaan inay sii kororto xiisadaha haatan taagan.
Qaar kamid ah qoysaskii Degmada Ufurow ku dhaqnaa ayaa bilaabay inay barakacaan kadib markii ay ciidamada huwanta ahi habeen nimadii xalay degmadaas gaareen iyagoo wata dubaadaha dagaalka.
Waxaana jirta cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ahi ka qabaan in lagu kor dagaalamo iyadoo degmada Ufurowna ay tahay degmadii 4-aad ee ka tirsan gobolka Baay ee ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya tagaan.
Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli shalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Qansax dheere, dagaalkaas oo markii danbe keenay in ciidamada huwantu ay magaaladaas qabsadaan.
Ciidamada dowladda TFG-da ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa mudo 45-maalmood gudahood ah qabsaday 4-degmo ee kamid ah 6-degmo ee uu gobolka Baay ka kooban yahay.
Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




