Xulistii Ergooyinka Ansixinaya Dastuurka Puntland Oo Soo Gabagabowdey

0
494

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Waxaa soo idlaaday ololihii lagu soo xulayey ergooyinka kooban ee ansixin doona Dastuurka cusub ee dowladda Puntland.

Prof. Maxamed Xasan Barre Oo Ah Gudoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa sheegay in xulistii ergooyinka lasoo gaba gabeeyey islamartkaana Sheegay Natiijadii KA Soo Baxay.

Gudomiyaha Ayaa waxa uuna mahad balaaran u jeediyey xubnaha kale ee guddiga, Isimada iyo maamullada gobolada Puntland oo uu sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyeen la’aantoodna aysan waxba u qabsoomeen.

370 kamid ah dadkaas ayaa  laga soo xalay qabaa’ilka, 100-na waxay ka imaanayaan shaqaalah dowladda iyadoo isla dowladuna ay tahay cidda soo xuleysa, halka 10-ka harayna ay u qaybsan yihiin 5- la siiyey qurbe joogta iyo 5 ka imaanaya daladda ururada bulshada rayidka ah ee Puntland.

Shuruudaha dadkaas lagu soo xulay Ayaa waxa ay Yihiin in qofka lasoo xulayaa uu yahay qof bulshada dhexdeeda sumcad ku leh islamarkaana aan 5-tii sano ee ugu danbeysey wax denbi ah dalka ka gelin.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in loo guda galo ansixinta Dastuurka oo ay qaybo badan oo bulshada kamid ahi cabasho ka muujinayaan qaabka ay aftidaasi ku dhacayso iyo weliba sida lagu soo xulay ergooyinka u codeynaya.

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)