Burcad Badeeda Soomaalida Ah Oo Markab Ay Mudo Todobaad Kahor Qabsadeen Sii Daayey

0
517

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ayaa sii daayey Markab ay todobaad kahor qabsadeen.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Eglantine islamarkaana uu ka dul babanayo calanka dalka Bolivia ayaa u gacan galay Burcad-badeeda  26-dii bishii lasoo dhaafay ee March.

MV Eglantine oo ay la socdaan 23-qof oo shaqaale ah wuxuu xiligii ay la qabsaday marayey meel koonfur-galbeed kaga aadan xeebaha bad-weynta India.

Markabkan oo u rarnaa dalka Iran ayaa lasii daayey kadib markii madax furasho laga qaatay, waxaanse ilaa iyo hadda cadeyn tirada lacagta lagu sii daayey.

Weerarada Burcad-badeeda oo sanadkan bilowgiisii ahaa kuwo si aad ah kor ugu kacay ayaa bilahan u muuqda kuwo soo yaraanayey.

Waxaana xiligan gacanta ugu jira maraakiib ganacsi oo intooda badan ay leeyihiin shirkado ka shaqeeya gudaha dalka Imaaraadka Carabta.
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

.