Diyaaradaha Nooca Dagaalka Ee Kenya Oo Duqeyn Ka Geystey Deegaano Ka Tirasn Gobolka Gedo

0
344

Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa shalay duqeeyey deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Duqeyntan ayaa ka dhacday goobo bariga kaga aadan deegaanka Ceel-cadde.

Waxaana deegaanada ay Kenya duqeysey kamid ah Juungal oo 30-km Baar-dheere u jirta iyo Gartama.

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in duqeymahaas lala bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab.

Inta laga war qabo labo qof oo rayid ah ayaa duqeyntaas ku dhaawacmay lamase oga khasaaraha kasoo gaarey dhinaca Xarakada Al-shabaab Oo Iyaga Lala Gol Lahaa Duqeyntaasi Ay Kenya Ka Geysteen Gedo.

Haseyeeshee Col.Warfaa Sh.Aadan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee deegaanadaas ku sugan ayaa beeniyey Duqeyntaasi In Ay Dad Shacab Ah Wax K Gaareen .

Wuxuuna sheegay in duqeyntaas aysan dad shacab ah waxba kasoo gaarin balse  khasaare loogu geystey kooxihii lala bartilmaameesaday Ee Al-shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa dhowr mar oo hore duqeeyey deegaano ka tirsan Jubbooyinka, waxaana qaar kamid ah ay waxyeelo kasoo gaartey dad rayid ah oo badan Mana Jiro wax War Ah Oo KA Soo Baxay Dowlada Soomaaliya Oo Dadkeeda Shacab Ah Lagu Wax Yeeleynayo Duqeyntaasi.
Wararka Soomaaliyeed (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)