Dagaalo Ay Bar Bar Socdaan Duqeyn Oo Xalay Ka Dhacay Inta U Dhexeysa Muqdisho Iyo Afgooye

0
522

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dagaal xooggan ayaa xalay ku dhex maray inta u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab Oo Iyaga Weerarka Soo Qaaday.

Weerarka oo bilowday kadib markii ay xoogag Xarakada Al-shabaab ka tirsani weerar soo qaadeen ayaa sababay dhimashada dhowr qof iyo dhaawaca in ka badan 5 kale Oo Aan Habeenkii Xalay Ahaa Wax Isbitaal ah La Geyn Walow Saakay Fiidkii Lala Cararay Isbitaalada.

Dagaalka Ayaa waxaa Babar Socday Madaafiicdii ay labada dhinac is weydaarsanayeen  waxay waxyeelo kasoo gaartey dad rayid ah kadib markii ay 3-hoobiye ku dheceen agagaarka xerada Badbaado Ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

Duqeyntaasi Iyo Dagaalka Ayaa Lix qof  ku dhaawacantay waxaana ku geeriyoodey 3- ay labo kamid ahi ahaayeen dhinacyadii uu u dhexeeyey iyo qof rayid ah oo ahaa gabar yar.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalki xalay iyagoo xusay inay ku dileen askar badan oo ka tirsanaa ciidamada Dowlada TFG-da Soomaaliya Kuwa Kalena Ay Dhaawaceen.

Dhanka kale saraakiil ka u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaadeen ay iska caabiyeen khasaare xooggana ay gaarsiiyeen.

Madaafiicda ku dhacaya xaafadaha ay dadka rayidka ahi degen yihiin oo in mudo ah ay magaalada Muqdisho ka nasatay ayaa todobaadyadii u danbeeyey ahaa kuwo mar kale dib usoo laabtay.

Waana markii labaad ee ay madaafiic habow ahi ku dhacdo agagaarka xerada Badbaado islamarkaana ay dad rayid ahi wax ku noqdaan Mana Jira Laba Dhinac Ee Dagaalamaya Islamarkaana Dadka Shacabka Ah Waxyeeladeeda Ka Hadlaya.