Ciidamada Badda Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Doomo Dadka Tahriibin Jiray

0
500

Kadib hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Badda Puntland, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen doomo loo adeegsan jiray tahriibinta dadka ka baxa xeebaha Magaalada Boosaaso.

Ciidmada Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay howgal ay wadeen ka gaareen guulo waaweyn, ayna ku soo qabteen qalab badan oo isugu jira saxiimado iyo matooro dadka lagu tahriibiyo, balse ciidamadu ma aysan sheegin cid ay ku soo qabteen qalabkan.

Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Booliska Puntland ayaa xeebta Magaalada Boosaaso loogu soo bandhigay Doomahan & Matoorada ay adeegsan jireen dadka wax tahriibiya.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo goobjoog ka ahaa goobtii lagu soo bandhigaayay saxiimadaha iyo matoorada la qabtay ayaa sheegay in arrintan ay qayb ka tahay qorshe la doonayo in lagu la dagaalamo tahriibinta dadka.

Waxa uu sheegay in ciidamada laga doonaayo inay qabtaan cid kasta & qalab kasta oo lagu tahriibiyo dadka, maadaama amnidarada ay qayb ka yihiin sida uu sheegay.

Wixii ka dambeeyay markii Saraakiisha ammaanka Puntland ay amreen in lala dagaalamo tahriibka ayaa waxaa hawlgalo joogto ah oo bad & bari ka sameynaayay Magaalada Boosaaso Ciidamada kala duwan ee Puntland