Duqeymo Iyo Dagaalo Isbar Bar Socday Oo Ka Dhacay Deegaanka Ceel-buur

0
512

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dagaalka oo ahaa mid mudo kooban socdey ayaa dhexmaray ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee dhowaan degmadaas la wareegey oo isgarabsanaya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab

Wuxuuna bilowday kadib markii ay Shababaku duqeeyeen fariisimaha ay ciidamadaas huwanta ah ee dhowaan Ceel-buur qabsaday ku sugan yihiin.

Ilaa iyo hadda masoo bixin warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha uu dagaalkaasi geystey, waxaase lagu soo waramayaa in uu sababay khasaare soo kala gaarey labada dhinac.

Duqeynta xalay ayaa ahayd mid laga maqlay degmada Ceel-buur iyo deegaanada ku xeeran, waxayna wel wel ku abuurtay dadka rayidka ah oo iyagu ka cabsi qabay in dushooda dagaal xoogani uu ka dhaco.

Al-shabaab ayaa sheegay in duqeyntii iyo dagaalkii ka danbeeyey ee xalay ka dhacay degmada Ceel-buur ay ku laayeen askar badan oo ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Ceel-buur oo horay fariisin muhiim ah ugu ahayd ururka Al-shabaab ayaa waxaa dhowaan ka qabsaday ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Ahlu Sunna oo iskaashanaya islamarkaana haatanba gacanta ku haya

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)