Qaraxan oo ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda ayaa qabsaday gaari SURF ah oo ay wateen Sarkaal ka tirsanaa Millatariga Somaliya iyo Afar ka mid ah ilaaladiisa.
Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa waxa ay inoo sheegeen in qaraxan ay ku geeriyoodeen Sarkaalka iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa, halka hal Askarina uu ku dhaawacmay.
Ciidamo ka tirsan dowadda oo tagay goobta ayaa halkaasi ka soo qaaday meydadka askarta la beegsaday, waxayna geeyeen xarunta CID-da.
Sarkaalka la beegsaday ayaa xalay Shabaab kula dagaalamay Deegaanka Taxsiile oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, bacdamaa ay halkaasi ka soo galbinayeen gaadiid Dhuxul siday.
Isu socodka wadada oo muddo saacado ah hakad gashay ayaa dib u furantay, kadib markii wadada laga qaaday gaariga qarxay.
Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyo la beegsada gaadiidka ay wataan ciidanka dowladda ee isticmaala duleedyada Magaalada Muqdisho.










