Wefdi uu horkacayo safiirka Turkgia ee Soomaaliya Oo goor dhow ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

0
489

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Dr. Kani Torun iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran usoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tisan dowladda iyo dadweyne aad u tira badan Oo Ku Sugnaa Magaalda Garawe.

Waxayna saacadaha soo socda kulan kula qaadan doonaan xarunta madaxtooyada mas’uuliyiinta ugu sareeysa Maamul Goboleedka oo uu ugu horeeyo Cabdiraxmaan Faroole oo ah madaxweynaha Puntland.

Waa markii ugu horeysey ee uu safiirka Turkiga ee Sooomaaliya magaalada Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland Booqasho Uu Ku gaaro.

Booqashadiisa ayaana kusoo beegmeysa xilli dhowaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda horumarinta dalkaas u qaabilsani ay Puntland yimaadeen kuwaa Oo KulamoLaQaaten Madaxda Maamul goboleedka Puntland.

Socdaalka Dr. Kani Torun ayaa loo badinayaa inuu dhabaha u xaarayo booqasho la filayo in bilaha soo socda uu Puntland ku yimaado Rajep Tayyib Erdogan. Ra’iisul wasaaraha Turkiga

BALSE WIXII KU SOO KORDHA SAFARKAANI UU SAFIIRKA TURKIGA U FADHIYO SOOMAALIYA UU KU AADAY MAGAALADA GARAWE KALA SOCO WARSOM.COM

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)