Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Qaraxyo Aad U Xoogan Islamarkaana Sababay khasaare ayaa xalay ka dhacay magaalada loo dalxiiska tago ee Mombasa oo ku taal gobolka xeebta kulaala ee dalka Kenya.
2daani qarax ooka dhacay Mambasa oo sida ay Booliska Kenya sheegeen ka dhashay Bunbooyinka nooca gacanta laga tuuro ah ayaa sababay dhaawaca 14-qof iyo dhimashada 1Ruux kale.
Qaraxa 1-aad ayaa ka dhacay goob Kaniisad ah oo ay dad badani ku sugnaayeen, wuxuuna sababay dhaawaca 12-qof oo mid kamid ahi uu geeriyoodey inti Isbitaalka loo sii wadey.
Midka labadaadna wuxuu ka dhacay meel Maqaaxi ah oo u dhow garoonka kubadda cagta ee Mombasa, waxaana ku dhaawacmay 3-qof oo midkood oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Kenya.
Qaraxyadaani xalay magaalada Mombasa ka dhacay ayaan Booliska Kenya weli ka hadlin , mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda 2-daas qarax oo ahaa kuwa si aad ah magaaladaas looga dareemay.
Qaraxyada khasaaraha geystey ee ka dhacay magaala xeebeedka Mombasa oo caan ku ah dalxiiska ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee ka dhaca tan iyo intii ay ciidamada Kenya Soomaaliya u talaabeen .
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)





