Dilal Kala Duwan Oo Xalay Degmada Shibis Ka Dhacay Iyo Xarakada Al-shabaab Oo Sheegatay Dilalkaasi

0
483

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Xalay fiidkii degmada Shibis ee muqdisho waxaa lagu dilay 2 Nin waxaana lagu kala magacaabi jiray Yaasiin Cirideey iyo Muxeydiin Wehliye Cageey.

Sheekh Max’med Xasan Cumar Abuu Cabdi Raxmaan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ee Xarakada Al-shabaab oo shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah PS-ta Kuwa Uu Ku Sheegay Laakiin Ay Dowlada Soomaaliya U Taqaano Hay’adda Nabad Sugida Qaranka ay Muqdisho ka wadaan XArakada al-shabaab ayna sii socan doonaan Sida Uu Sheegay Sheekh Max’med Xasan Cumar Abuu Cabdi Raxmaan

Xaalufintaani ba’an oo lagu hayo kooxaha La Sheegayo In Ay Gacan Saar La Leeyihiin Dowlada TFG-da Soomaaliya Iyadoona ay Habeenkii Xalay Ahaa Degmada Shipis Dilal Kala Duwan Loogu Geestay Rag La Sheegay In Ay Ka Tirsanyihiin Hey’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaiya
Ragaani La Sheegay In Ay Ku Hubeysanaayeen Biskoolado oo larumeysanyahay in ay taabacsanyihiin Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Habeenkii Xalay Ahaa gudaha Degmada Shipis ku dilay 2 Nin oo ahaa kuwa Gacansaar la leh Dowlada Soomaaliya

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)