Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa maanta Muqdisho uga qayb galay daah-furka Shir sannadeedka garsoorka dalka oo markii ugu horreysay la qabtay burburkii kadib.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in loo baahan-yahy in shirkaan labada maalin ee uu soo socdo ka qayb galayaashu ay ku dadaalaan in ay kasoo baxdo natiijo ka qayb qaadanaysa horumarka garsoorka iyo cadaaladda dalka.
Shir sannadeedka garsoorka dalka oo uu furay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa waxaa kasoo qayb galay hay’adaha garsoorka heer Federaal iyo dhamaan hay’adaha garsoorka ee dawlad gobaleedyada.
Qabashada shirka garoorka dalka bilawga sanad waliba oo ah mid qaanuuni ah ayaa maanta iyo berri looga hadlayaa waxqabadka garsoorka dalka ee sannadkii tegay, caqabadihii lala kulmay iyo sixitaankooda, qorshaha garsoor ee sannadka bilaawga ah iyo isku xirka qaybaha garsoorka ee dalka.
Shirkan Ayaa Waxaa Soo Dhaweeyey Qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Dalka Gaar ahaan Xiriiriyaha Xisbiyada Ahna Gudoomiyaha Xisbiga M Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa Sheegay In Shirkan uu Muhiim Yahey Hase Yeeshee ay Habooneyd In Laga Qayb Geliyo Qaybaha Bulshada ee Adeegga Garsoorku u Shaqeeyo,Maaheyn In Shirka Lagu Koobo Hy’adda Garsoorka oo ah Tii Hawsha Fulineysey Kaliya ayuu Yiri Gudoomiye Timajilic oo Warbaahinta La Hadlayey.











