Taliska ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay in uu gacanta ku dhigay hub ay leeyihiin Al-shabaab kaddib markii ay howlgal ka fuliyeen degaanka Forsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraal ka soo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay ciidamada bur-buriyeen goobo Al-shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakawaad.
Howlgalkan ayaa waxaa daba socday duqeyn lala eegtay dagaalyahannada Al-shabaab ee ku sugan Shabeellaha Hoose.
Ma Jiro Wax war ah oo Kasoo Baxey Dhinaca Xarakada Al-shabaab oo Xaqiijinaya Sheegashadda Hay’adda NISA mana aha Markii ugu Horeysey oo ay Hay’adaha Amniga Dawladda Federalku Ka Hawlgalaan Meelo Ka Baxsan Caasimadda Muqdisho.











