Aadan Ibraahim Dhaqane Gudoomiyaha Degmada Huzungo Oo LA Soo Xiriiray Wakiilka Xiriirka Gobolada Ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Bashiir Axmed Shiikh Ayaa Waxa Uu Sheegay In Ay Shacabka Ku Dhaqan Degmadaasi Huzungo Oo Hoostagta Gobolka Jubbada Hoose ay U Baaba’ayaan Cuno Xumi Soo Wajahday
Gudoomiyaha Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Ay Dhawaan Degmadaasi Ay Duqeyn U Geesteen Diyaaradaha Dagaalka Ee Dalkaasi Kenya iyadoona ay Duqeyntaasi Qasaarooyin Isugu Jiro Dhimasho Naf Iyo Maalba Ay U Geesteen Dadka Shacabka Ah Ee Ku DHaqan Degmadaas
Aadan Ibraahim Dhaqane Gudoomiyaha Degmada Huzungo Ayaa Sidoo Kale U Sheegay Wakiilka Xiriirka Gobolada Ee XMJS Xafiiska Ay Ku Leeyihiin Magaalada Muqdisho In Aysan Wax Ispitaalka Ah Leheen Degmadaasi Islamarkaana Uu Sheegay Dadkii Meesha Ku Waxyeelooba Ay U Geeriyoodaan Intabadan Waxaasi Gaaray Mar Hadii Asan Leheen Wax Isbitaal ah Oo La Gaarsiiyo
Gudoomiyaha Ayaa Waxa Uu Codsi U Dirayaaa Shacabka Soomaaliyeed Iyo waliba Caalmka In Ay U Soo Gurmadaan Shacabka Ku Dan Dareesan Demadaasi Huzungo Isagoona Sheegay In Loo Gurmado Meelaha Ay Duqeemaha Ka Dhacaan Hase Yeeshee Aan Ilaa Iyo Haatanba Loo Soo Gurman Degmadaani Ay Heysato Dhibaatada Aadka U Farahabadan
Bashiir Axmed Shiikh Oo Ah Wakiilka Gobolada Ee XMJS Ayaa Sheegay In Ay Goor Dhow IAy Degmadaasi Gaarsiin Doonaan Gurmad Islamarkaana Ay Haatanba Ku HOoolan Yihiin Sidii Ay Ugu Gurman lahaayeen
Waxa Uu Sidoo Ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyeed Iyo Waliba Dowladaha Deqda Bixiya In nAy Gaarsiiyaan Degmadaasi Deeq Deg Deg Ah




