Baarlamanka Uganda Oo Ka Careysan Mushaaraadkii La Siin Jiray Askarta Uganda Oo Ithopia Loo Weeciyay.

0
505

Gudoomiyaha Baarlamanka dalka Uganda Rebecca Kadage ayaa ka dalbaday dawladda Uganda in ay jawaab cad ka bixiso sababihii loo dhimay mushaaraadkii ay qaadan jireen ciidamada Uganda ee hogaaminaya duulaanka Saliibiga ah ee Afrikaantu ku soo galeen Somaliya.

Isagoo ka hadlayay shir ay yeesheen Baarlamanka ayuu sheegay Kadage in aysan suuragal aheyn caddeyn la’aa in la waayo lacagahaasi, waxaana uu xusay in ballamo kala duwan la galay markii dawladda Uganda ay qeyb ka noqoneysay mashruuca AMISOM ee Somaliya.

Boqollaal doolar aya laga jaray askari waliba oo ka mid ah AMISOM sida uu baahiyay wargeyska Daily Monitor, waxaana lacagahaas la rumeysan yahay in la siiyay ciidamada Itoobiyaanka kuwooda ku sugan magaalada Baladweyne.

Dawladda Itoobiya ayaa bilihii u danbeeyay ku cadaadineysay xubnaha golaha Midowga Afrika in lacago mushaaraad ah ay u hesho askarteeda ku soo duulay Somaliya, waana arrin ay aad uga careysan yihiin dawladaha Uganda iyo Burundi ee hore u joogay Somaliya.

Hadda wuxuu khilaaf ku aadan arrinta ciidamada Itoobiya ka taagan yahay gudaha magaalada Baydhabo, iyadoona madaxda DKMG ah ay isku heystaan in ciidamo Afrikaanta ah halkaasi la geeyo ama ay sii joogaan kuwa Itoobiyaanka ah ee markii hore qabsaday magaaladaas.