M/wynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Dhagax Dhigay Magaalada Afmadaw Xarun Ciidamada Lagu Tababaro.

0
565
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa degmada Afmadow ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun lagu tababari doono ciidamada Daraawiishta Jubbaland.
 

Munaasabad kooban oo ka dhacday goobta laga dhagaxdhigayay xarunta ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo qaar kamid ah xubanaha golaha wasiirada.

Saraakiisha ciidamada iyo Madaxweynaha ayaa indho-indheeyay dhulka loogu talo-galay in laga dhiso xerada.
Madaxweynaha ayaa xusay in xeradan ay noqon doonto mid soo saarta ciidamo tababaran oo kamid noqon doona ciidanka Daraawiishta Jubbaland

Dhinaca kale, Waxaa weli ka soconaya magaalada Afmadow abaabulka ciidan eek u aadan howlgallada la filayo in dhawaan ay ka bilowdaan qeybo ka tirsan Jubbaland.

Magaalada Afmadow oo ay dowlad goboleedka Jubbaland qorsheeysay in ay xarun u noqoto howlgalka la doonayo in lagu qabto gobolka J/dhexe ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyay ka socday diyaargarow xooggan oo dhinacyada ciidanka iyo Isataraatijiyadda howlgallada ah, waxaa sidoo kale Afmadow lagu diyaariyay xarumo caafimaad oo loogu talo galay in lagu daweeyo ciidamada.

Gobolka J/dhexe oo ay magaalo madaxdiisu tahay Bu’aale oo ah xarunta rasmiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa si buuxda gacanta u haya Maleeyshiyaadka Al-shabaab.