Xarakada Al-shabaab Iyo Ahlu-sunna Oo Guulo Ka Kala Sheegtay Dagaalkii Dhuusomareeb

0
464

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Al-shabaab iyo Ahlu-sunna ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo xoogan oo goor hore oo maanta ah ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud.

Afhayeenka ciidamada Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii ay saaka ku qabsadeen Dhuuso-mareeb ay ku dileen 15-katirsan ciidamada maamulka Ahlu-sunna.

Wuxuuna intaas ku daray inay qabsadeen 6-gaari oo isugu jira sadex kuwa dagaalka ah iyo sadex gaari oo nooca rayidku isticmaalaan ah.

Dhinaca kale afhayeenka maamulka Ahlu-sunna waljamaaca ayaa sheegay inay khasaaro xoogan soo gaarsiiyeen dhinacii soo weeraray ee Al-shabaab.

Wuxuuna tilmaamay in ay magaalada Dhuuso-mareeb xoog uga saareen kana dileen dagaalyahano ay tiradoodu 40 kor u dhaafeyso.

Dagaaladii saaka ka dhacay duleedka iyo gudaha magaalada Dhuuso-mareeb waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad rayid ah qaar badan oo kalena way ku barakaceen.

Si kastaba ha ahaatee xaaladda degmada Dhuuso-mareeb oo ay saaka ciidamada Shabaabku qabsadeen mudo dhowr saac ahna haysteen ayaa xiligan ah mid xasiloon.

Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)