Muran siyaasadeed oo xoog leh ayaa ka taagan xilliga doorashada dalka Kenya iyadoona guddi madax banaan uu ku dhawaaqay sanadka soo socda, halka arrinkaasi ay soo horjeedaan siyaasiyiin badan oo ku jira dawladda Kenya.
Isqabqabsigaasi ka dhexeeya siyaasiyiinta Kenya ayaa u wehlinaya sidoo kale cabsi dhanka amaanka ah iyadoona Kenya ay xilligan galeyso doorashooyinka waqti ay ciidamada Kenya ay duulaan ku joogaan gudaha dalka Somaliya ayna dhibaato kala kulmeen.
Qalaanqal siyaasadeed ayaa hadda ka jira gudaha dalka Kenya iyadoona ay dheer tahay cabsi dhanka amaanka ah oo la xiriira weeraro iyo qaraxyo, waxaana laga warqabaa doorashooyinkii sanaddii 2008-dii iyo sidii ay Kenyaatigu isugu laayeen muranka doorashada.
Warar ayaa sheegaya in xilligan doorashada oo loo calaamadeeyay bisha March ee sanadka danbe in ay hadal ka keeneen siyaasiyiin uu ku jiro madaxweynaha hadda ee Kibaki, waxaana jira siyaasiyiin kale oo rumeysan in waqtigan aaney doorashooyin dhici Karin sababo ku aadan halista dalku uu faraha la galay markii ay ku duuleen qeybo ka mid ah Koofurta Somaliya




