Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay isla markaana kulammo ammaanka looga hadlayo la qaatay saraakiisha ciidammada dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay in dhawaan si dhameystiran loo xorreyn doono gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo maanta uu guddoomiyuhu kulammo la qaadan doono qeybaha Bulshada iyo masuuliyiinta ee dowladda ee gobolka Baay.
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan yihiin isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo magaalada Baydhabo ayaa waxa uu warbxin ka bixiyay arrimo badan oo ay ka mid tahay kulammadii uu la qaatay saraakiisha ciidammada dowladda si loo xoojiyo ammaanka caasimadda gobolka Baay ee Baydhabo.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa farriin ku aadan in la taageero ciidammada qaranka u diray Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dalka dibeddiisa ku nool, isagoo shacabka gudaha dalka ku suganna kula dardaarmay in ay la shaqeeyaan ciidammada Qalabka Sida
Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo weli soconaya kulammo gaar gaar ah oo ay wada qaadanayaan guddoomiyaha Barlamaanka iyo masuuliyiinta gobollada Koonfur
Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)




