Gudiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Barlamaanka Puntland oo Sheegay in ilaa Hada ay Soo Gaareen 200 Codsi.

0
564
Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ku dhawaad 200 oo musharrax ay soo gudbiyeen codsiga xildhibaannimo.
Xubno ka tirsan guddiga oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay soo gababeyeen qabashada warqaaha codsiga musharraxiinta, xubnaha guddiga ka tirsan ayaa inta ku daray inay jiraan khilaaf ka taagan soo xulidda xubnaha Baarlamaanka maamulkaasi.
Howsha guddiga waxaa kamid ah inay hayaan waraqaaha ama codsiyada xubnaha Baarlamaanka ay soo xulayaan beelaha.
Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xubnood,kuwaas oo dooran doona madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa,doorashada oo dhacaysa siddeeda bisha Jannaayo ee sannadka 2019.