Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) |
| Qar Ka Mid Ah Xildhibaannada kasoo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho ayaa ka dooday xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo isku raacay in la qabto bisha Abriil ee sannadkan.
Kulankan ayaa waxaa shir Guddoominayay, Madoobe Nuunow Maxamed oo ay xubnahan u doorteen guddoomiye baarlaam bishii Jannaayo ee sannadkan, kaddib markii ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kulankaasi oo ay so xaadiren 278-xildhibaan, waxaana codkii la qaaday 269 mudane ay ku ogolaadeen in doorashada madaxweynaha lasoo hormariyo ayna dhacdo 30-ka Abriil 2012, waxaan diiday lix xildhibaan, waxaana ka aamusay saddex mudane,” ayuu yiri xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo saxaafadda u sharraxayay sida ay u dhacday codeynta. Wararka Soomaaliya(Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom) |




