War saxaafadeed ay wada jir u soo saaraan Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaalada ka soo kordhay magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay inay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka u dambeeyay ee ka dhacay Koofur Galbeed, gaar ahaan rabshadaha magaalada Baydhabo.
Warka ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan qalalaasaha iyo gacan ka hadal kasta oo xaalada sii xumeyn kara, gaar ahaan mida bani’aadanimo.
Beesha Caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay Xildhibaankii ku geeriyooday magaalada Baydhabo iyo dadkii kale ee qalalaasaha ku dhintay
Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in wadajir loo taageero habka lagu heshiiyay ee guddiga doorashada, sidoo kale ay xushmeeyaam dhinacyada kala duwan daacadnimada iyo dadaalka howlaha doorashada.
Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.











