Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng,Yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho ayaa dhankiisa Cambaareeyey dhaawaca soo gaaray Wariyaha.
Eng,Yariisow ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ku yiri“Waxaan EEBBE uga baryayaa suxufi Ismail Sheikh Khalifa inuu caafimaad degdeg ah siiyo, waxaana cambaareynayaa falka miinada loogu xirey gaarigiisa, Aan u soo duceyno saaxiibkeen qaaliga ah Ismail oo bahda warbaahinta kaalin firfircoon ka qaata”.
Si wada jir ah ayay weerarkaasi ugu tilmaamay inuu ahaa mid waxuushnimmo ah oo ujeedka laga lahaa ay aheyd in dadka indhaha u ah Shacabka Soomaaliyeed lagu waxyeeleeyo, iyagoo Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa si dhaqsa ah in uu u bogsiiyo ALLE uga baryay.
Xaaladda caafimaad ee Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo lagu dabiibayo Isbitaalka Ex-Digfeer ayaa ah mid ka soo reysneysa, Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaasi lagu dhaawacay.











