170 Mudane oo fadhiyay kulankii u dambeeyay ee Golaha waxaana shir guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
167, xildhibaan ayaa codka ogol ah siiyay xeerkan, hal xildhibaan ayaa diidday, halka labo xildhibaan ay ka aamuseen,sida uu shaaciyay Guddoomiye Maxamed Mursal oo ku dhawaaqay natiijada codka ay u qaadeen Xildhibaanada Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.
Waxaa maalinta Sabti ee bilowga toddobaadka soo socda loo dhigay soo jeedin ay saxiixeen toban ka mid ah mudaneyaasha Golaha Shacabka kaasi oo ay ku dalbanayeen in dib loogu eego heshiisyada iyo is afgarashada ay dowladda la gashay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.
Dhinaca kale,Golaha Aqalka Sare ayaa Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa oo mudaba hor yaallay
Sharciga la dagaallanka musuqa waxaa horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka, Isagoo sahlaya in si fudud loo dhiso Guddiga la dagaallanka Musuq-maasuqa Soomaaliya.











