Qarax ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa gaari yar oo lagu xiray waxyaabaha qarxa.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay darawalkii waday gaariga, waxaa la sheegayaa inuu ahaa Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Boostada,Waxaana Lagu Magacaabi Jirey Allaha u Naxariistee Saacid Xuuki Jaamac,Mana Aha Markii Ugu Horeysey ee Sidan oo Kale Qarax Loogu Xirey Gawaarida ay Dad ku Dhintaan Ama ku Dhaawacmaan.
Inta badan qaraxyada lagu xiro gaadiidka yar ayaa ka mid noqday bartilmaameedyo lagu dilo saraakiisha ciidamada, mas’uuliyiinta iyo dadka kale.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo darawalkiisa lagu dilay qarax loogu xiray gaariga ay la socdeen.











