Askar Dhameysatey Tababar In Muddo ah U Socdey oo uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Indha Qarshe Tababarka u Xirey.

0
673

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiiragelin ah la qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah ugu biiray Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan 14-ka October.

Ciidankan ayaa la baray difaaca dalka, iyagoo muddo tababar milatari ku qaatay xerada tababarka Jen. Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa dhalinyarada ka mid noqotay Ciidanka Xoogga Dalka ee u dhammaaday tababarka ugu mahad celiyay sida geesinimada leh ee ugu mid noqdeen Ciidamada Xoogga Dalka

General Daahir Aadan Cilmi waxa uu faray Ciidamada in ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan Howlgalada ka socda gobolka Shabellada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa ammaanay sida geesinimada ah ay ciidamada guutada 14-ka October ay Al-shabaab ugu sifeeyeen degaanada Xeebta ah Sida Jilib-marko Gendarshe iyo Dhannaane

Ciidanka uu maanta kulanka la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ah Ciidamo dhammeystay Tababar, iyagoo maanta loo qeybiyay agabkii ay ku howlgalin lahaayeen.