Tartanka doorashada kasocota koonfur galbeed ayaa noqotay mid muhiimad gaar ah u leh
dowladda federaalka musharaxa ku guuleysanaayo doorashada, dadaalka tirada badan oo
ay DF ku buxinayso tartanka doorashada koonfur galbeed ayaa u muuqda mid macno mug
weyn u leh jiritaanka siyaasada mustaqbalka dowladda FS
hadda jirta.
Iscasilaadda wasiirada iyo taliyeyaasha amniga DF waxay noo tilmaamayaan muhiimadda
gaar ah ee uu leeyahay qabashada hogaanka madaxtinimada ee koonfur galbeed,
islamarkaana olole wadareed kadhigay tartanka doorashada musharaxxiinta ka socota DFS
si midkood ugu guuleysto tartanka doorashada taas oo aan looga barran musharaxiinta xil
doonka ah ee sannadahan danbe dalka soo marray, waxaa iswediin mudan, waa maxay
isbahaysiga musharaxiinta dowladda federaalka kadaal kariixeysa ujeeddada laga
leeyahay?
Deegaannada maamulka koonfur galbeed ayaa ah dhulka ugu qayraadka badan guud ahaan
dalka, waxaa uuna caan ku yahay dhul beereedka iyo daaqa xoolaha, waxaa taas usii dheer
in baaristii la sameeyay badda sanadadii 2014 iyo 2015 lagu ogaaday in shidaalka ugu
badan ku jiro badda maamulka koonfur galbeed, laba baloog oo kala ah BLOCK 7 iyo
BLOCK 8 oo ka mid ah baloogyada badda KG (dhinaca Baraawe) oo ay ku mashquulsan
tahay in dowladda FS xaraashto 9 febraayo 2019-ka ayaa lagu qiyaasay inuu gaarayo 10
billion fuusto una dhiganta qiimaha suuqa shidaalka xilligan $500 billion.
Baloogyada badda koonfur galbeed waxaa laga filayo in ay kasoo baxdo dhawr billion
fuusto midkiiba, waxaa kaloo intaas dheer gaaska dabiiciga ah ee ku jira deegannada KG
marka laga soo bilaabo qoryooley illaa iyo afgoye, iyo weliba macdanaha kala duwan ee ku
jira deeganada KG. Haddaba, hantidan tirada baddan ee shacab KG ayaa soo jiidanaysa
dhammaan siyaasiyiinta soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ugu qibradda badan arrimaha
shidaalka iyo macdanta, taas oo macnaheedu tahay maalgalinta tartanka doorashada KG in
ay u dhigantaa maalgalinta baloogyada shidaalka badda KG. Waxaa Wasaaradda Batroolka
iyo Macdanta laga tirtiray raadka shaqsi kasoo jeeda KG oo jago sare ka haya oo masalaya
KG si aysan waxba uga ogaan dhaca khayraadka deeganada ay kasoo jeedaan.
Heshiiskii qabyo qoraalka ahaa ee qaybsiga qayraadka dalka laguna saxiixay baydhabo
wuxuu gogol xaar u ahaa ka faa,iideysiga qayraadka KG sida ka muuqata faragalinta
doorashada KG, inkastoo ay adaga tahay in laga hortago qorshaha cilmiyeysan ee qottada
dheer ee lagula wareegayo shidaalka KG haddana waxaa suurtagal ah in laga guuleysto
musharaxiinta shidaalka ee dowladda federaalka.
Guusha musharaxxiinta udhashay K/galbeed oo ay maalgelinayso dowladda FS ayaa ah
guul usoo hoyataya shirkadda Som oil and gas oo ah shirkadda gacanta ku haysa
boloogyada badda koofur galbeed, tartanka doorashada madaxtinimada koonfur galbeed
ayaa h imtixaanka ugu weyn ee soo wajahay aayaha shacabka KG iyo maamulida qayraadka
shidaalkooda, maadaama qarashaadka dowladda FS ugu talo gashey doorashada KG ay
bedeli karto go,aanka xildhibaannada koonfur galbeeed.
Xaalka siyaasada k/galbeed ee xilligan taagan ayaa ah mid marag madoonta ah, biseyl
la”aanta wacyiga siyaasiyiinta reer koofur galbeed heerka ay taagan yihiin, isfaham darrada
ka dhaxaysa kooxaha talada gacanta ku haya ama raba in ay gacanta ku dhigaan, waxaa usii
dheer ka warqab la’aanta qayraadaka gobolladooda iyo is-hor istaag joogtada ah ee
saameeyay horu socodka horumarka maamulka jira, waxaana daliil u ah faragalinta toos ah
oo ay dowladda FS ku hayso tartanka doorashada madaxtinimda hadda ka socoda koonfur
galbeed.
Gunaanad.
Shacabka KG ma ahan shacab udiyaarsan fowdada iyo ishor-istaaga amarrada dowlada FS,
islamarkaana u nugul in lagu dul heshiiyo ayagoon ka war haynin waxyaabaha lagu
heshiiyay sida heshiiskii baydhabo, qormadan kooban waxay ifinaysaa oo kaliya qayb yar
oo ka mid ah ujeeddooyinka qarsoon ee ku wajahan qabsashada hogaanka maamul
gobolleedka koonfur galbeed.
Haddaba shacabka, waxgaradka, xildhibaanada iyo senetorrada kasoo jeeda koonfur
galbeed waa in ay arrimahan qayraadka dhulkooda maanka ku hayaan islamarkaana iska
kaashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaatooyinkan ku soo wajahan mustaqbalka
dhaw iyo kan fogba ee saamayntana ku yeelan doonna jiilka hadda jooga iyo faraca danbe
ee soo socdaba, Waxaana waajib ku ah in ay ku muujiyaan ilaalinta hantida iyo xuquuqaha
shacabka dhibanaha ah ee degen maamul gobolleedka koonfur galbeed.
W/Q: Fahad Maxamed Sh Cali (Fahad Juuni).











