Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo leysku adeegsaday noocyada kala duwan ee halka uu deegaan hoostaga degmada ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.
Jeneraal Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho oo ah taliyaha Guutada 22aad ee Ciidamada xoogga ayaa warbaahinta u sheegay ay iska caabiyeen xoogaggii weerarka ku soo qaaday.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda hadda gacanta ku hayaan meydadkii ay ka carareen sida uu hadalka u dhiggay dagaalamayaashii weerarka soo qaaday, isaga oo intaa ku daray in ciidamada dowladda u taagan yihin difaaca shacabka.
Laakiin dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay dhinacooda in dagaalkaa ay jab weyn ku gaar-siiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Marka laga soo tago sheegashada labada dhinac ma jirto warar madax-bannaan oo ka hadlaya khasaaraha dagaalka.











