Waxyeello Isugu Jirta Dhaawac iyo Dhimasho oo Gaarey Dad Rayid ah Qarax Ka Dhacey Xaafadda Kaawo Godey ee Gobolkan Banaadir.

0
633

Qaraxan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmaada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob Suuq Qaadka lagu iibiyo  ah, islamarkaana laga raro gaadiidka oo ay xiligaa ku sunaayeen dadweyne aad u faro badan.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaari wadada la dhigay uu  qarxay abaarihii duhurkii, waxaana laga cabsi qabaa in khasaare kala  duwan uu dhaliyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka gurmadka degdega ay goobta gaareen, sidoo kale waxaa goobta qaraxa ka dhacay tagay ciidamo ka tirsan kuwa Amniga.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ahaa mid si xooggan looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa imanaya xili magaalada Gaalkacyo subaxnimadii hore ee saakay ay ka dhaceen Qaraxyo culus oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.