Isimadda Puntland iyo Boqor Burhaan oo Ka Codsadey Xukuumadda uu Hugaamiyo C/weli C Gaas In ay Taleex U magacaabaan Gobol.

0
682
Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo isimmo kale oo nabadeyn u jooga magaalada Taleex ayaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ka codsaday in gobol loo magacaabo magaalada taariikhiga ah ee Taleex.
“Halkan waxaan ka soo gudbineynaa farriin aniga iyo Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, farrinta oo aan wakiil uga nahay dhammaan Isimmadii iyo salaadiintii deegaannada kala duwan ka yimid ee Jubbaland iyo Puntland ee ku sugan magaalada Taleex.. waxaa ay shacabka reer Taleex codsadeen oo aan u soo gudbinaynaa madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas iyo golihiisa xukuumadda inay u magacaabaan magaalada Taleex gobol la yiraahdo gobolka Taleex”. ayuu yiri boqor Burhaan.
Boqorka ayaa inta ku daray magaalada Taleex inay u qalanto in gobol loo magacaabo, isagoo ku xoojiyay xukuumadda Puntland kulankooda ugu horreeya inay gobol ugu magacaabaan Taleex.
Soomaaliland ayaa horay gobol  Xaysimo u magacowday magaalada Taleex Taas oo u Muuqata In Dadka Deegaanka lagu Laab Laxawsanayo Gobol ayaan Idiin Magacawney ee Sidaan Rabno aan Idinka Helno Waxeyna Maamulada Somaliland iyo Puntland Gobolada ay Magacaabeen Hadda ka Badan yihiin Dastuuriyan Gobolada Dalku ka Koobanyahey oo ah 18 Sideed iyo Toban Gobol.